ISBEDELKA CUSUB EE GURI KIRAYNTA NAIROBI
ISBEDELKA CUSUB EE GURI KIRAYNTA NAIROBI
Guri Hel adigoon Dillaal Bixin.
Magaalada Nairobi waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu koritaanka badan qaaradda Afrika, gaar ahaan dhanka maalgashiga iyo guryaha. Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi, caqabadda ugu weyn ee ay la kulmaan marka ay guri raadinayaan waa “Broker Fee” ama lacagta dillaalka.
Qof kasta oo Soomaali ah oo Nairobi degan wuxuu garanayaa dhibka ay leedahay marka aad guri raadinayso. Waxaad ku qasbantahay inaad lugahaga ku raadiso ama dirsato dillaal, kaas oo kugqadaya lacag “tusin ah” ka hor intaanad guriga arkin ama kadiba. Haddii aad guriga ka heshona, waxaad ku qasban tahay inaad bixiso lacag u dhiganta kalabar kirada bishii (Broker Fee)
Maanta, dhibaatadaas waxay noqotay wax la soo dhaafay. Waxaa timid Dhodir Real Estate.
Maxay Tahay Dhodir Real Estate?
Dhodir Real Estate ma ahan dillaal caadi ah oo suuqa jooga, mana ahan shirkad u baahan inaad xafiis u tagto. Dhodir waa Platform (Madal tignoolajiyad ah) oo casri ah oo isku xirta qofka guriga raba iyo guriga bannaan. Waxaan u nimid inaan beddelno habka guryaha loo raadiyo, annagoo meesha ka saarnay dhammaan culaysyadii dhaqaale ee ka dhalan jiray dillaalka.
Sidee ayay u shaqaysaa Dhodir Real State?
Raadinta Guryaha (Search Any House): Waxaad si toos ah u gelaysaa platform-ka-dhodir.com waxaadna ka dhex raadin kartaa guryaha ku yaalla dhammaan xaafadaha Nairobi (Eastleigh, South C, South B, Kilimani, Lavington, Pangani, iyo kuwo kale).
Macluumaad Dhammaystiran: Guri kasta oo madasha ku jira wuxuu leeyahay sawirro cad-cad, qiimaha kirada, iyo sharraxaad buuxda oo ku saabsan adeegyada gurigu uu leyahay.
Xiriir Toos ah: Markaad hesho guriga aad ka heshay, waxaad si toos ah platform-ka uga helaysaa macluumaadka xiriirka (contact details) si aad u dhammaystirto nidaamka guriga.
Waa Maxay Sababta Dhodir looga Dooranayo Dillaaliinta Kale?
Dillaal La’aan (Zero Broker Fee for Tenants): Tani waa mabaadi’da ugu weyn ee shirkadda. Qofka kireystaha ah (Tenant) laga ma qaadayo wax lacag dillaal ah. Lacagtaada adigaa iska leh, waxaadna u isticmaali kartaa inaad ku dhisato noloshaada iyo midda qoyskaaga.
Amni iyo Kalsooni: Markaad isticmaalayso madashena, waxaad ka badbaadaysaa dillaaliinta been abuurka ah ee dadka lacagta ka cuna iyagoon guri u helin. Dhodir waa nidaam hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Waqti Badbaadin: Uma baahnid inaad maalin dhan lugtaada ku dhex wareegto xaafadaha Nairobi. 10 daqiiqo oo aad madashayada dhex marto waxay ka qiimo badan tahay 10 maalmood oo aad dillaal daba socoto.
Farriin ku socota bulshada Soomaaliyeed
Walaalayaal, dunidu way isbedeshay, Nairobi-na waa magaalada tignoolajiyada ee Afrika. Ma jirto sabab maanta qofka Soomaaliga ah ee Nairobi jooga uu lacag badan ugu luminayo dillaal.
Lacagta dillaalka ah ee aad bixin lahayd, taas oo badanaa gaarta 10,000 illaa 30,000 oo Shilling-ka Kenya ah (iyadoo ku xiran guriga), waxaad u isticmaali kartaa:
Inaad ku bixiso iskuulka carruurtaada. Inaad ku bilowdo ganacsi yar. Inaad ku quruxsato gurigaaga cusub.
Gunaanad
Dhodir Real Estate waa adeeggii aad sugayseen. Waa madal idiin adeegaysa 24 saac, adigoon xafiis u baahnayn, adigoon dillaal u baahnayn, iyo adigoo badbaadsanaya lacagtaada.
Ha sugin! Gudaha ugal platform-keena maanta (dhodir.com), ka raadso guriga aad u baahan tahay, nala soo xiriir, oo si nabad ah ku kirayso gurigaaga cusub adigoon bixin hal shilin oo dillaal ah.
:



